Chelsea Soo Afjartay Tartankii Moises Caicedo Kulana Wareegtay Lacag Rikoodh Ah

0
144

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Chelsea ayaa lacag rikoodh u noqotay Premier League oo gaareysa 115 milyan ginni kula wareegtay xiddigii kooxda Brighton Moises Caicedo.

Waa markii labaad oo Chelsea ay jabineyso rikoodhka suuqa kala iibsiga, waxayna jabiyeen rikoodhkoodii hore oo aheyd 107 milyan ginni oo ay Enzo Fernandez uga soo iibsadeen Benfica bishii Janaayo.

Caicedo ayaa iska diiday xiisihii Liverpool ka dib markii kooxda Reds ay hishiis 111 milyan ginni la gaartay Brighton todobaadkii la soo dhaafay.

Sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga, waxaa hishiiska ku jirta in Brighton ay qidmad heli doonto haddii mustaqbalka ay Chelsea iibiso Caicedo taasoo ka baxsan lacagta taariikhiga ah ee lagu hishiiyay ee 115 milyan ginni.

Waxaa sidoo kale la buukimay haatan tijaabada caafimaadka ee Moises Caicedo iyadoo Chelsea ay si rasmi ah ugu garaacday Liverpool saxiixa xiddigaan khadka dhexe.

Brighton ayaa faa’ido waali ah ka sameyneysa saxiixa Caicedo oo ay kula soo wareegeen kaliya 4.5 milyan ginni sannadii 2021 markaasoo ay ka soo iibsadeen kooxda reer Ecuador ee Independiente del Valle.

Waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ugu fiicnaa horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii la soo dhaafay isagoo 37 kulan u saftay Brighton oo ku dhameysatay kaalinta 6aad.