Ciidamada Suudaan oo sameeyay howlgallo, ka hor banaanbaxyada la qorsheynayo.

0
450

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ururka ugu weyn mucaaradka waddanka Suudaan ayaa waxa uu sheegayaa in ciidammada ammaanka ay galeen xafiiskooda oo ay joojiyeen shir jaraa’id ka hor isu soo baxa ballaaran ee ay qorsheynayeen.

Ciidammada ammaanka ayaa waxa ay gaafwareegayeen qeyba ka mid ah magaalada caasimadda ah ee Khartuum, ka hor dibadbaxyada la qorsheeyay in la qabto maanta oo Axad ah.

Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxa ay ku baaqeen in dibadbaxyaaal hal milyan gaaraya ay Axadda isu soo baxaan si milateriga loogu cadaadiyo inay xukunka dadka shacabka ah ku wareejiyaan.

Hasayeeshee ma ay jiraan warar sheegaya ilaa iyo haatan in ay magaalada Khartuum isugu soo baxeen dibadbayaal ballaaran

Milateriga ayaa bishii Abriil waxa uu xilka ka tuuray Madaxweyne Cumar al-Bashiir kaddib kacdoon loogaga soo horjeeday maamulkiisa oo muddo socday.

Waxa uu xilka afgambi ku qabsaday 30-kii Juune 18989.

Xiriirka Xirfadlayaasha Suudaan ayaa waxa ay soo qabanqaabiyeen kulan ay warbaahinta kula hadleen fiidkii Sabtidii halkaas oo ay doonayeen inay ku soo bandhigaan qorshahooda ku aaddan isu soo baxa, taas oo noqon laheyd dibadbaxii ugu ballaarnaa tan iyo markii tobannaan qof ay milaterigu ku dileen 3-dii Juun, markaas oo ay kulansanaayeen dibadbaxayaal dimuqraadiyadda u mudaharaadayay.

Hogaamiyaha dibadbaxyada Axmed al-Rabiic ayaa wakaaladda wararka ee AFP waxa uu u sheegay in ciidammada sida milateriga u tababaran ee gurmadka degdega ah fidiya ay u dhaceen oo ay joojiyeen shir jraa’id oo markaas socday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here