Ciidammada Masar oo xiray waddooyinka gala fagaaraha Taxriir.

0
526

Baladweyne(Radio Beerlula)- Laamaha amniga dalka Masar ayaa adkeeyay ammaanka waddooyinka magaalada Qaahira iyo magaalooyinka kale ee dalkaas xilli la filayo inay dhacaan dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Waxaa la xiray fagaaraha Taxriir oo aheyd goobtii ay dibadbaxyaasha isugu uruureen, waxay ciidammada xireen waddooyinka gala halkaas.

Madaxweyne Cabdel Fataax Al -Sisi ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib kulankii Qaramada Midoobey uu ka kaga qeybgalayay magaalada New York.

Wuxuu u sheegay tageerayaashiisa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Qaahira in wax walaac uusan dalka ka jirin.

Dibadbaxyo looga soo horjeedo madaxweyanaha Masaarida ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay ka dhacay dalkaas, waxaana la xiray dad ku dhaw 2,000 qof.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in dibadbaxyo lagu taageerayo xukuumadda ay ka dhacaan fagaaraha Rabiic halkaas oo sannadkii 2013-kii ay ku dhinteen kun qof oo ka tirsanaa ururka Ikhwaanul Muslimiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here