Ciidammada Suudaan oo xiray rag la sheegay inay rasaas ku fureen dad bannaanbaxyo dhigayay

0
629

Baladweyne(Radio Beerlula)- Militariga Suudaan waxay sheegeen in la xiray toddobo qof oo lala xiriirinayo dilkii loo geystay ardeydii ka qeybqaadanayay dibadbaxyadii Isniintii ka dhacday magaalada Al Cubeyd ee waqooyiga dalkaas.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeyso militariga ayaa ku warrantay in raggii rasaasta ku furay dibadbaxyaasha ay ahaayeen warddiyeyaasha Bangi ku yaalla halkaas.

Waxay sidoo kale sheegeen in raggan la maxkamadeyn doono.

Waxaa lagu soo warramayaa in 7 qof ay soo qabteen maleeshiyaadka RSF.

Afar ardey ah iyo labo qof oo rayid ah ayaa dhintay markii rasaas lagu furay dad bannaanbaxyo dhigayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here