Ciidanka Dowlada Soomaliya oo ku guuleysatay soo qabashada nin dilay Xaaskiisii

0
131

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta kusoo dhigay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan dilka Marxuumad Luul Cabdicasiis oo jimcihii u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab la qabad siiyay jirkeeda.

 

Ciidanka Nabad Sugidda oo maalmihii lasoo dhaafay ku raad-joogay eedeysanaha ayaa ugu dambeyn kasoo qabtay deegaanka Caad xilli uu halkaas ku dhuumaaleysanayay.

 

dhawaan ayaa lafilayaa dambiilaha in la horkeeno cadaalada si loomarsiiyo sharciga.