Cilmi baaris lagu ogaaday laba faa’ido oo laga dhaxlo in qofka u heeso.

0
143

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dad badan ayaa jecel inay heesaha dhageystaan, balse cilmi baareyaal ayaa sheegay in heesidda ay sidoo kale u wanaagsan tahay caafimaadka qofka.

Sida ay khubaradu sheegeen, in la heeso waxay dadku ka heli karaan caafimaad dhinaca neefsashada ah iyo in qofka ay ka yaraadaan xanuunnada dhinaca sambabbada ah .

Xitaa in la heeso waxay wax badan u tartaa dadka xasuustoodu dhuntay, kuwaasoo marka ay codkooda ku heesaan ay maskaxdooda ka soo rayso xaaladdii ay ku jirtay.

Muddadii 20-ka sano ahayd ee lasoo dhaafay, cilmibaareyaal badan ayaa isku dayay inay aruuriyaan faa’iidooyinka caafimaad ee dhinacyada maskaxda, jirka ee laga dhaxlo qaadidda heesaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here