City Oo Soo Gudubtay, Milan Oo Garaacday PSG, Xasuuqii U Weynaa Ee Caawa Ka Dhacay Champions League Iyo Natiijooyinka Kulamadii Afraad Ee UCL

0
103

Baladwayne (Radio Beerlula )-Kooxda kubadda cagta AC Milan ayaa soo noolaysay rajadeeda usoo bixidda wareegga 16ka Champions League, kaddib markii ay guul soo-laabasho ah ka gaadhay Paris Saint-Germain oo ay ugu awood sheegatay San Siro Stadium.

Ciyaar xamaasaddeedu sarraysay oo ay ku xidhnayd rajada Milan oo haddii laga badin lahaa aanay fursad fiican u hesheen in ay soo gudubto, ayaa waxa ay 2-1 kaga adkaatay PSG oo gool kala-hormartay, iyadoo xiddiga garoonkana uu noqday Rafael Leao oo is-baray Kylian Mbappe iyo xiddigaha ay lacagta badan kasoo bixisay PSG ka hor intii aanu Olivier Giroud madax ku dhalinin goolka labaad.

Labadan kooxood oo Group-ka dhimashada ay kula jiraan Borussia Dortmund iyo Newcastle United, ayaa waxa gool-dhalinta madax qurux badan ku furay Skriniar oo hoggaanka u dhiibay PSG, hase yeeshee Rafael Leao ayaa saddex daqiiqadood gudahood ugu jawaabay, halka Oliver Giroud oo bilowga qaybta labaad keenay goolka guusha ee AC Milan.

 

Hormadan waxa hoggaanka u qabatay Borussia Dortmund oo fiidkii hore ka adkaatay Newcastle United, waxaanay haysataa 7 dhibcood, halka PSG oo labaad ku jirta ay 6 dhibcood leedahay, sidoo kalena AC Milan iyo Newcastle ay kala leeyihiin 5 dhibcood iyo 4 dhibcood.

Dhinaca kale, waxa xasuuq geysatay Atletico Madrid oo 6-0 kusoo burburisay toban ciyaartoy oo Celtic ah oo marti ugu ahaa Wanda Metropolitano, waxaanay kula dul-dhaceen cadho ay ka qaadeen kulankoodii hore oo ay waqti dambe barbarro ka tuugtay kooxda reer Spain ciyaar kusoo dhamaatay 2-2.

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareegga 16ka Champions League, waxaanay noqotay kooxdii ugu horreysay ee soo gudubtay kaddib markii ay 3-0 ku karbaashtay sagaal ciyaartoy oo Young Boys ah, waxaana sidoo kale kale soo baxday RB Leipzig oo 2-1 kaga adkaatay Crvena Zvezda.

Group G ayaa lagu kala calaf-qaaday waxaana kasoo baxay Man City iyo RB Leipzig iyadoo Young Boys iyo Crvena Zvezda oo min hal dhibic haysta ay kaliya u tartami doonaan midkooda usoo gudbaya tartanka Europa League.

Natiijooyinka kulamadii caawa ee UEFA Champions League

Borussia Dortmund 2-0 Newcastle
Shakhtar Donetsk 1-0 Barcelona
Atletico Madrid 6-0 Celtic
AC Milan 2-1 PSG
Man City 3-0 Young Boys
Lazio 1-0 Feyenoord
Red Star Belgrade 1-2 RB Leipzig
FC Porto 2-0 Royal Antwerp