Ciyaariyahan Ka Ciyaara Premier League Oo Ku Sigtay Geeri.

0
12

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Xiddiga kooxda Brighton Julio Enciso ayaa shaaca ka qaaday in uu ku dhawaaday in uu geeriyoodo kadib markii uu suuxay isaga oo kusii jeeda Ecuador. Waxa uu sheegay in uu usoo gurmaday mid kamid ah dadkii rakaabka ahaa ee la socday diyaaradii uu saarnaa.
20-sano jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa ka soo safray UK isagoo ku sii jeeday South America si uu ugu biiro xulka Paraguay ee la ciyaaraya Ecuador iyo Venezuela.

Enciso wuxuu sheegay inuu dareemay gabi ahaanba “awood la’aan” ka dib markii uu miyir beelay intii lagu jiray duulimaadka.
“Madax xanuun ayaa igu dhacay, waxaan ku dhawaaday inaan dhinto, waxaan ku miyir beelay diyaaradda,aad ayaan u gaajeeysnaa” Enciso ayaa sharraxay, isagoo isku dayaya inuu cadeeyo dhacdada isagoo qoslaya, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Del Paraguay. “Waan tabardarnaa, si fiican wax umaan cunin umana seexan, halmar waxaan u kacay inaan aado musqusha, waxaan dareemay tabardarro saa’id ah.”

Nasiib wanaag, qof kale oo rakaabka kamid ah ayaa si degdeg ah u soo badbaadiyay Enciso.Waxa uuna siiyay Coca-Cola iyo inyaroo maraq japanese ah si ay uga caawiso inuu helo tamar.

Enciso, oo horeyba muhiim ugu ahaa xulka qaranka Paraguay ayaa u saftay 19 kulan oo heer caalami ah.Waxa uu ka tagay wadankiisii ​​hooyo si uu ugu biiro Brighton xagaagii 2022, asagoo lagula soo wareegay lacag dhan £9.5 milyan.

Xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee England, Enciso ayaa kasoo muuqday ciwaannada ugu waaweyn ee wargeysyada ingiriiska isaga oo dhaliyay goolkii ugu fiicnaa

 Premier League. Wuxuu gool cajiib ah oo uu meel fog kasoo toogtay ka dhaliyay kooxda Man City.

Si kastaba ha ahaatee, horumarkiisa waxaa hor istaagay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray jilibka kaas oo ku qasbay Enciso inuu maqnaado inta badan xilli ciyaareedkii 2023-24. Waxaa sidoo kale soo gaaray dhaawac kale isagoo matalaya Paraguay Olombikada Paris intii lagu jiray xagaaga.

Hadda oo uu ka hoos ciyaaro tababaraha cusub ee Brighton Fabian Hürzeler, Enciso ayaan wali ku soo bilaaban kulan Premier League ah xilli ciyaareedkan, inkasta oo uu ka soo muuqday kursiga kaydka shan ka mid ah todobadii kulan ee horyaalka ee ay ciyaartay kooxdiisa. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ku soo billowday kulamadii Carabao Cup ee ay guusha ka gaareen Crawley Town iyo Wolves.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here