Baladweyne (Radio Beerlula)- Waxaa baaqatay ciyaartii finalka tartanka kubadda cagta degmooyinka iyo deegaanada Gobalka Banaadir oo ay ku balansanaayeen Degmada Wartanabadda iyo Deegaanka Gubadley.
Guddiga tartamada gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in maanta ay baaqatay ciyaartii finalka ee dhaxmari laheyd Warta Nabadda iyo Gubadley islamarkana maalinta beri ah oo ay taariikhda ku beegantahay 22-3-2023 la ciyaari doono finalka tartankan.
Guddiga ayaan sheegin sababta loo baajiyay ciyaartan inkastoo ay taageeryaal badan ay u diyaar garoobeen ineey maanta xaadiraan garoonka.