Ciyaartooy weyn oo Shaaciyay inuu Deen ku leeyahay Man City!

0
16

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Benjamin Mendy ayaa saaxiibadiis ay amaahiyeen lacag deen ah markii ay kooxdu ka joojisay lacagihii ay siin jirtay ka dib markii lagu eedeeyay kufsi.

30-sano jirkaan ayaa musharkiisa kooxda la joojiyay ka dib markii lagu soo oogay dacwad kufsi la xiriirta sanadkii 2021.

Ciyaartoyda Raheem Sterling, Bernardo Silva iyo Riyad Mahrez ayaa taageeray xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska, kaasoo hadda sheegay in uu ku leeyahay 11.5 milyan ginni oo ah mushaar uu xaq ugu lahaa kooxda heysata horyaal England.

Ku guuleystaha Koobka Adduunka ayaa markii dambe la fasaxay kadib markii lagu waayay dambigii lagu eedeeyay.

Mendy, oo hadda u ciyaara kooxda Faransiiska ee Lorient, ayaa keenay dacwad ka dhan ah Manchester City, isagoo ku eedeeyay inuu ku leeyahay qeyb kamid ah mushaharkiisii waqtigaas.

Qandaraaskiisa ayaa sidookale waxaa kujiray qodob ah inuu heli doono lacag dhan 900,000 oo gini haddii uu ka soo muuqdo 60% kulamada kooxda, iyo 1 milyan oo gunno ah haddii City ay u soo baxdo Champions League, iyo sidookale lacag 1.2 milyan ginni sannadkii taasoo ah xuquuqda sawiradiisa.

Mendy wuxuu sheegay in asxaabtiisii kooxda City waqtigaas oo uu ku jiro xiddiga England Sterling ay bixiyeen lacag taageero ah.

“Raheem Sterling, Bernardo Silva iyo Riyad Mahrez dhamaantood waxay i amaahiyeen lacag si ay iiga caawiyaan inaan bixiyo kharashka sharciga iyo kan qoyskeyga,” ayuu ku yiri bayaankiisa ciyaaryahankii hore ee Manchester City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here