Ciyaartoy Oo Dib Ugu Soo Noqonaya Barcelona Ka Hor Kulanka Real Madrid

0
86

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda kubadda cagta Barcelona ayuu usoo yeedhay war ka farxiyey oo u sheegaya, in aydib u helayaan saddex ka mid ah ciyaartoydii dhaawaca kaga maqnaa, ka hor inta aan la gaadhin ciyaarta Real Madrid ee horyaalka LaLiga ee 28ka bishan October.

Barcelona ayaa xilli-ciyaareedkan ay dhaawacyo ragaadiyeen ciyaartooyo ka mid ah, sida Ronald Araujo, Pedri, Frenkie de Jong, Raphinha, Robert Lewandowski iyo Jules Kounde oo isaguna Axaddii ku biiray liiska dhaawacyada.

Ronald Araujo ayaa hore ugu soo noqday Barcelona oo beddel kusoo galay ciyaartii Axaddii ay barbarraha 2-2 la galeen Granada, balse waxa kale oo uu tababare Xavi Hernandez rajaynayaa in uu dib u heli doono saddex ciyaartoy oo kale marka laga soo noqdo kulamada caalamiga ah.

Sida uu qoray wargeyska Sport ee kasoo baxa Spain, Barcelona ayaa dib u heli doonta Pedri, Raphinha iyo Lewandowski ka hor inta aanay dhamaanin bishan, waxaana jirta rajo weyn oo ah in saddexdooduba ay taam u noqon doonaan kulanka Real Madrid.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta Athletic Bilbao iyo Shakhtar Donetsk, waxaanay labadan ciyaarood waqti hore ku noqon karayaan saddexdan ciyaartoy oo ay u badan tahay in ay ka maqnaan doonaan, hase yeeshee ciyaarta Real Madrid ay Olympic Stadium ku martigelin doonaan October 28 ayaa ay diyaar u noqon doonaan.

De Jong ayaa la sheegay in isaga uu maqnaanshihiisu dheeraan doono oo uu seegi doono kulanka Real Madrid, laakiin haddii ay Barcelona dib u hesho, Pedri, Raphinha iyo Lewandowski ciyaarta El Clasico ayaa war weyn u noqon doonta jamaahiirta kooxdaas iyo tababare Xavi oo ka cabanayay ciyaartooyo yaraan.