Ciyaaryahan Sheegay In Weli Uu La Xanuusan Yahay Cuqdad Ay Giliyeen Mbappé Giroud , Maxaa Lagu Sameeyay

0
113

Baladweyne (Radio Beerlula)-Olivier Giroud waxa uu horyaalka Ingiriiska ka ciyaaray 9 sano Sano iyadoo uu so maray kooxaha Arsenal iyo Chelsea balse waxa uu iska yeelay in uusan awoodin ku hadalka luqadda ingiriiska isaga oo ka cararaya in u sameeyo is weydaarsi maaliyadda ah intii koobka aduunka uu socday.

Australia ayaa France ku aragtay wareegga Group-yada waxaana waqtigaas 2/1 ku badisay France iyadoo Giroud uu dhaliyay labada gool.

Xiddiga qaranka Australia ee Jason Cummings ayaa daboolka ka qaaday in Olivier Giroud si la yaab leh uu u matalay sida in uusan awoodin ku hadalka luqadda Ingiriiska si uu uga cararo in aan maaliyadda is dhaafsanno ayuu yiri .

Weeraryahankaan kooxda  Central Coast Mariners ee horyaalka Australia ayaa xusay in dhacdadaan  oo kale uu kala kulmay Kylian Mbappé ka dibna uu ku xigsaday Giroud