Cody Gakpo Iyo Afar Ciyaartoy Oo Xanuunsanaya Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Holland

0
107

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cody Gakpo iyo afar ciyaaartoy oo kale ayaa laga saaray xulka qaranka Nethelrnads ee caawa la ciyaaraya Talyaaniga, waxaanay kooxdiisa Liverpool si dhow ula socotaa xaaladda xiddigeeda si ay u ogaato waxa uu yahay fayraska ku dhacay.

Gakpo ayaa la sheegay inuu dhidid badan iyo xummad daran uu dareemayay, sidaasna looga saaray xulka  dalkiisa ee waajahaya Talyaaniga isreeb-reebka Euro 2024, balse waxa la filayaa inuu dib usoo laabto ciyaarta Isniinta ee Gibraltar.

Difaaca Newcastle United ee Sven Botman, difaaca Bayern Munich ee Matthijs de Ligt, khadka dhexe ee PSV Eindhoven ee Joey Veerman iyo goolhayaha kooxda Anderlecht ee Bart Verbruggen ayaa ah afarta ciyaartoy ee kale ee xanuunsanaya.