Cristiano Ronaldo Oo 3 Rikoodh Oo Cajiib Ah Dhigay Kadib Goolkiisii Al-Nassr

0
172

Baladweyne (Radio Beerlula)-Halyeeyga reer Portugal Cristiano Ronaldo ayaa sii waday qorista taariikhda isaga oo dhigay rikoodh taariikhi ah kadib markii uu gool ka dhaliyay kooxda Abha kulan ka tirsanaa horyaalka sucuudiga.

Kooxda Al-Nasr ayaa guul qaali ah ka gaartay Abha, waxayna guushu ku raacday 2-1, ciyaartii dhexmartay kana dhacday garoonka Marsoul Park Stadium, ee ka tirsan wareegga 21-aad ee horyaalka Saudi Professional League.

Ronaldo Oo Dhigay 3 Rikoodh Oo Taariikhi Ah:

Ronaldo ayaa gaaray goolki 828-aad ee xirfadiisa kubada cagta isaga oo dhaliyay laba jibaarka goolashii uu dhaliyay halyeeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario.

Goolkan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee uu ka dhaliyay laad xor ah tan ilaa goolkii uu u dhaliyay man United kulan dhacay 11 bilood ka hor isaga oo ka dhaliyay kooxda Norwich City isaga oo u ciyaaraya Man United.

Ronaldo ayaa 59 gool ka dhaliyay laadka xorta ah xirfadiisa ciyaareed isaga oo laba gool oo kaliya ka dambeeya xiddiga ay xafiiltamaan ee Leo Messi.