Cristiano Ronaldo oo Shaaciyay kulanka uu Man United u ciyaari doono

0
178

Baladweyne (Radio Beerlula)-Xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaciyay kulanka ugu horeeya ee uu u ciyaari doono kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Xiddiga Cristiano Ronaldo ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin Man United kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub isaga oo todobaadkan bilaabay tababarka kooxdiisa.

Cristiano Ronaldo ayaa sidoo kale seegaya kulanka ay Man United Sabtida la ciyaari doonto Atletico Madrid kulan ka tirsan saaxiibtinimooyinka ee kooxda.

Laakiin Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay in uu kulankiisii ugu horeeyay u ciyaari doono Man United Axada kulanka ugu dambeeya ee ay Man United ciyaari doonto ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Man United ayaa Axada la ciyaari doonta kooxda Rayo Vallecano waana kulanka uu Cristiano Ronaldo ciyaari doono Kulankiisii ugu horeeyay ee Man United ka hor bilaabashada xilli ciyaareedkan.