Cristiano Ronaldo saaxiibkiis oo ka nixiyay taageerayaasha Manchester United

0
170

Baladweyne (Radio Beerlula)-Piers Morgan oo ah saxafiga caanka ah ee u dhashay dalka Ingiriiska ayaa fariin naxdin leh u diray jamaahiirta Manchester United taas oo ku aadan saaxiibkiis reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Suxifigan reer England ayaa muujiyay sida uu u arko in saaxiibkiis Ronaldo uusan mar kale u ciyaari doonin Manchester United, waxaana uu carabka ku adkeeyay inuu raadinayo tallaabo cusub oo xirfadiisa ciyaareed ah, kaddib markii uu la xiriiray.

Piers Morgan ayaa sheegay: “Ronaldo uma ciyaari doono markale Manchester United.”

“Waxaan is wacnay wax badan Isbuucii lasoo dhaafay, xaqiiqdii waxaan filayaa in ay aad u adagtahay in Ronaldo uu kulan kale la ciyaaro Manchester United, waxaan filayaa in uu maskaxiyan ka baxay.”

“Marka aad ku dhawdahay dhammaadka xirfadaada oo aad wali doonayso in aad ku guulaysato koobabka waaweyn, markaa waa in aad xisaabta samaysaa.”

“Waxay ila tahay in uu dareemayo in qaab dhismeedka sare ee kooxdu aanu sax ahayn, tani maaha falcelin ku socota tababaraha cusub ee Tin Hag, Ronaldo waxa uu ixtiraam weyn u hayaa isaga, laakiin waa mid ka turjumaysa halka ay haatan United joogto.”

Piers Morgan oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Isaga ayay ku xidhan tahay inuu muujiyo dareenkiisa, laakiin haddii aad i waydiiso, uma malaynayo inuu sii joogi doono Manchester United.”