Baladweyne (Radio Beerlula)-Labada koox Liverpool iyo Crystal Palace ayaa soo bandhigay hanaan ciyaareed isu dhaw oo labada koox halis muuqata iskuma aysan sameyn , waxa ayna ku hishiiyeen bar bar dhac bilaa goolal ah
Qeybtii hore Liverpool waxaa ka muuqatay dabacsanaan qadka dhexe aha mana jirrin is fahan iyo isku xer u dhaxeeyay qadka dhexe iyo weerarka
Kooxda Palace kubad geesinimo leh ayay ciyaarayeen kaliya waxa ka maqnaa qaadashada go`aano saxan marka kubadda gaarsiiyaan aagga goosha Liverpool
Labada dhinac laba fusrad xaqiiq ah oo ay isku heleen birta ayay kaga dhacday waxaana dhanka Liverpool sidaas sameeyay Salah
Qeybta labaad , Liverpool waa wacnaayeen balse ma la aheyn falsafad muuqata oo dhanka weerarka ah halka Palace ahaayeen kuwo aan daalin oo isku dayo kala duwan sameynaayay
Palace waxa ay ku fiicnaayeen boobidda kubadda marka cagta Liverpool gasho xilli dhamaadkii labada dhinac ay u muuqdeen kwuo gool laga filan karay marka la eego kubadaha sida ay u dadajinayeen .
Qeyibihii dhamaadka maamulka Liverpool ayaa ku badneyd balse xalka ayaa ka maqnaa
Si waliba waxa ay ciyaarta ku dhamatay bar bar dhac bilaa goolal ah waana natiijo caadil ah marka la eego hab ciyaareedka labada koox.