Cudur dilaa ah oo ka dilaacay dalka Nigeria.

0
83

Baladweyne (Radio Beerlula)-Mas’uuliyiinta caafimaadka ee dalka Nigeria ayaa shaaciyay in magaalada Abuja ee caasimadda dalkaas uu ka dilaacay caabuqa dilaaga ah ee gawracatada, kaddib markii uu u dhintay canug afar sano jir ah.

Astaamaha xannuunkan ayaa waxaa ka mid ah naqaska oo qofka ku dhaga, wuxuuna dhibaatooyin caafimaadka wadnaha.

Xarunta xakameynta iyo cuddurada dalka Nigeria (NCDC) ayaa sheegtay in cudurkan sidookale ka dilaacay guud ahaan dalka sanadkii hore.

Kiisas gaaraya 800 oo xannuunkan ah ayaa la diiwaan geliyay waxaana u dhintay 80 qof.