Cudurka Eboolka oo ku fiday jamhuuriyadda Koongo.

0
337

Baladweyne(Radio Beerlula)- Xarunta Xakameynta Cudurrada dalka Koongo ayaa sheegtay in ay shaqaale toban ka badan u dirtay soohdinta u dhexeysa dalalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Koongo iyo Ruwaanda si ay u mareeyaan dadka uu cudurka Ebola halkaasi ku haleelay.

Xanuunkan oo sanad kahor dalkaasi ka dillaacay ayaa galaaftay nolosha dad ka badan 1800. Iyada oo laamaha caafimaadka ay sheegeen in ay shaqaale kale oo dheraad ah loo diri doono haddii uu qaboobo dagaalka ka socda gobolka waqooyi bari ee dalkaas.

12 kamid ah shaqaalaha Xarunta Xakameynta Cudurka ayaa loo diray magaalada Goma oo ah magaalo halbowle u ah u-kala-gooshidda dalalka Koongo iyo Ruwanda. Goma ayaa laga helay qofkii afaraad oo uu Ebola soo rito sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka WHO, taas oo sii kordhisay walaaaca laga qabo xanuunkan halista ah.

Agaasimaha Xarunta Xakameynta Xanuunka Ebola Dr. Robert Radfield ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in iska-hor imaamdyada hubeysani ay curyaaminayaan dadaallada howl wadeennada caafimaadka ee ku howlan joojinta faafista cudurka, taasoo buu yiri sare u sii qaadeysa halista xanuunkan ee kusii dhex baaheysa bulshada dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here