Qiimaha shidaalka ee Kenya oo cirka isku shareerey.

0
163

Baladweyne (Radio Beerlula)-Qiimaha shidaalka ee dalka Kenya, ayaa sare ugu kacay heerkii ugu sareeyay, kadib markii ay dowlada qeyb kamid ah kabkii ay bixin jirtgay meesha ka saartay, taasi oo dadka iibsada ee macaamiisha ah ku keentay sare u kaca ku yimid qiimaha shidaalka.

Hey’adda maareynta tamarta, ayaa sheegtay goor dambe oo habeenkii Arbacada aheyd, inay meesha ka saartey kabistii shidaalka, iyadoo ay sii wadi doonaan kabitaanka yar ee ay ku bixiyaan Naaftada iyo Gaaska.

Qiimaha cusub, ee shidaalka ayaa hadda qiimihiisu noqonayaa 179 shilin oo u dhiganta($1.5 ) liitirkii.

Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne, William Ruto, uu khudbadiisii ​​u horeysay markii uu xilka la wareegay ku sheegay in maamulkiisu uu meesha ka saari doono kabka shidaalka iyo cunnada, isagoo xusay in tallaabadaasi ay dowladda galiso kharashaad badan, ayna tahay tallaabo aan aad looggu fiirsan.