Baladweyne ( Radio Beerlula )-Cilmi baadhis ay samaysay Hay’adda NIH, ayaa lagu ogaaday in dadka Miyiga ku nool ay ku soo badanayaan xanuunnada Wadne xanuunka iyo Dhiig karka, marka loo eego dadka Magaalooyinka ku nool.
Waxyaabaha u sababta ah arrintan ayey daraasaddu ku sababaysay arrimo ay ka mid yihiin heerka dakhliga iyo waxbarashada, helitaanka cunto ku filan.
Sidoo kale waxa arrintan qayb ka ah sida Daraasadda lagu xusay helitaanka adeegyada caafimaadka oo hooseeya, sigaarka cabidda iyo jimicsi la’aanta.