Culimada Baladweyne oo ku baaqay in la caawiyo dadka danyarta.

0
43

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Sheakh Cumar Saalaax Madoobe oo kamid ah Culimada Magaalada Baladweyne ayaa bulshada muxsiniinta ugu baaqay in gargaar gaarsiiyaan qoysaska danyarta ah kuwaas oo ku nool kaamamka Baladweyne maadama fooda ay inagu soo hayso bisha barakeysan ee Ramadaan.

Qoysaskaan ayaa ah kuwoo danyar ah islamarkaana aan awoodin inay iibsadaan raashiin qutul duruuriga oo ay ku afurayaan.

Warkan waxaa inoo haya Bilaal Daahir Waaneey