Culumaaudinka iyo macaliminta Baladweyne oo laga dalbaday inay u istaagan ka hortaga gudniinka fircooniga ee lagu sameeyo haweenka

0
307
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Baladweyne(Radio Beerlula)- Guddoomiyaha ururka wacyi gelinta iyo ka hortaga gudniinka fircooniga ee gobolka Hiiraan Maryan Cabdulle Xassan oo u warantay radio Beerlula ayaa ka dalbatay culumaaudiinka iyo macalimiinta ku nool magaalada Baladweyne inay u istaagan ka hortaga tacyadiyada loo geysto haweenka sida gudniinka fircooniga oo kale.

Maryan Cabdulle Xasan ayaa sheegtay in tan iyo markii ay bilaabeen wayci gelinta ay ku guuleysteen inay ka hortagan inaan gudniin lagu sameyn  70 gabdhood.

Gurddoomiyaha ururka wacyi gelinta iyo ka hortaga gudniinka fircooniga ee gobolka Hiiraan Maryan Cabdulle Xassan ayaa radio Beerlula u sheegtay in kulamo wacyi gelin ah ay u qabtan haweenka ka shaqeeya guddninka si looga hortago dhibaatada uu lee yahay.

Warbixintan waxaa noo haya Cumar Yuusuf Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here