Cutubyo ka tirsan ciidamada booliska Hirshabeelle oo lagu soo tababaray Jowhar oo soo gaaray Baladweyne.

0
335

Baladweyne(Radio Beerlula)- 70 askari oo ka tirsan dufcadii labaad ee booliska dowlad goboleedka hirshabeelle oo dhawaan uu tababar ugu soo dhamaaday magalada jowhar ayaa  soo gaaray magalada baladweyne waxaana garoonka diyaaradaha ugaas khaliif ku soo dhaweeyay gudoomiye ku xigeenka amniga maamulka gobolka hiiraan khaalid bashiir macalin iyo taliyaha saldhiga booliska baladweyne gaashaanle cabdi cumar siyaad , kusimaha taliyaha qeybta booliska col cali dhuux cabdi mahad alle.

Ciidamadan ayaa waxaa safarka ay uga soo kicitimeen magaalada Jowhar ku wehelinayay wasiir ku xigeenka amniga Hirshabeelle, xildhibaan ka tirsan baarlamanka Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan.

Warbixintan waxaa noo haya Aadan Cabdi Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here