Daadad ku dhuftay dalka Talyaaniga.

0
56

Baladwayne (Radio Beerlula )-Muuqaalo cajiib ah ayaa muujinaya baabuur ay dadaad ku qaadeen magaalada Prato ee bartamaha Talyaaniga.

Duufaanta Ciarán ayaa keentay roobkii ugu cuslaa ee ku dhufta Tuscany muddo 50 sano ah.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay cimilada oo aad u xun awgeed, dhowr kalena waa la la’yahay.

Ciidamo ayaa loo diyaariyay si ay gacan uga geystaan ​​daadgureynta dadka go’doonsan.

Dowladda Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay bixin doonto 5 malyan oo Euro si loogu caawiyo dadka waxyeelada ka soo gartay daadadka.