Daadad ku dhuftay qeybo kamid ah Nairobi oo khasaaro geeystay

0
45

Baladweyne(Radio Beerlula)-Ugu yaraan saddex qof ayaa laga cabsi qabaa in ay ku dhinteen daadad ka dhashay roobab xooggan oo saacado badan ku dhuftay caasimadda Kenya ee Nairobi.

 

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah askari boolis ah oo badbaadinayay qoysas ku go’doonsanaa deegaanka Kamukunji, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

 

Maamulka ayaan weli xaqiijin dhimashada.