Daadadka ka jira Bariga Afrika oo hoos u dhigay rajadii dadka

0
154

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa baabi’iyay guryo iyo xoolo ku noolaa miyiga Itoobiya, taasoo meesha ka saartay rajadii laga qabay in laga soo kabsado dhibaatadii gaajo ee ugu darneyd ee soo marta bariga Afrika muddo tobanaan sano ah,gaar ahaan sadexdii sano ee u dambeysay.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, daadad xooggan oo ku dguftay bariga Afrika ayaa dilay ugu yaraan 50 qof, waxayna ku qasbeen in ka badan 30,000 oo qoys inay guryahooda ka qaxaan, halka ay baabi’iyeen 21,000 oo hektar oo dalag ah iyo sidoo kale dhimasho soo gaartay 10,000 oo xoolo ah .

Hay’adda Save The Children waxa ay ka shaqaynaysay Itoobiya in ka badan 60 sano iyada oo shaqadeedu ay diiradda saaraysay caafimaadka iyo nafaqeynta iyo sidoo kale gargaarka biyaha iyo nadaafadda iyo dhanka waxbarashada.