Daadadkii ugu ba’naa oo ku dhuftay dalka Japan

0
117

Baladweyne (Radio Beerlula)-Saddex qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa la la’yahay kadib daadad ku dhuftay koonfur-galbeed ee Japan kuwaas oo ay sababeen roobabkii “ugu cuslaa” ee gobolka ka da’a.

 

Wabiyada ayaa buux dhaafay, buuraha ayaa soo dumay iyadoo roobab aad u badan ay ka da’een qeybo ka mid ah jasiiradda Kyushu.

Waddooyinka ayaa burburay iyada oo xaragaha korontadu ay go’een, waxaana kumannaan kun lagu amray in ay isaga guuraan maadaama la filayo in roobab kale ay da’aan.