Daanyeerrada dhirta isku daweeya oo gacan ka geysan kara helidda daawo cusub

0
55

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Nooc daanyeerrada ka mid ah ee gorillaha ayaa laga yaabaa inay aadmiga feker ka siiyaan in mustaqbalka lasoo saaro dawo, sida ay sheegeen saynisyahannada.

Baarayaasha dalka Gabon ayaa daraaseeyay dhirta keymaha ku yaalla ee ay cunaan gorillaha duur-joogta ah – ayna sidoo kale xitaa isticmaalaan dhaqaatiirta dadka ku daweeya dhirta – iyagoo ogaaday afar nooc oo dawo laga sameyn karo.

Daraasaadka sheybaarka lagu sameeyay ayaa soo bandhigay dhirta ay ku badan tahay maaddada sunta ka hortagta iyo bakteeriyada il ma qabatada ah.

Afartan geed ayaa kala ah fromager (Ceiba pentandra), geedka yellow mulberry (Myrianthus arboreus), African teak (Milicia excelsa) iyo kan fig trees (Ficus).
Mid ka mid ah dhirtan ayaa waxaa la ogaaday inay ka hortagto cayayaanka waaweyn.