Daawo: Christian Eriksen Oo Dhaawac Halis Ah Soo Gaadhay

0
133

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxda Man United ayaa war xun ka heshay xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen kaas oo uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii Xalay ee FA Cup-ka.

Xiddiga khadka dhexe ayaa la badalay kadib markii uu sii wadan kari waayay ciyaarta iyada oo uu dhaawac uga baxay kulanka.

Christian Eriksen ayaa ka sii Nixiyay taageerayaasha kooxdiisa dhamaadkii ciyaarta markii uu ka sii baxayay garoonka.

Xilli uu xiddig fuulayay baskii kooxda waxa la arkay isaga oo ku boodaya biro taas oo muujinaysa dhaawaca xiddigu in uu halis yahay.

Christian Eriksen ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican Man United xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

 

Erik Ten Hag ayaa haatan wadnaha farta ku haya isla markaas rajaynaya in uuna dhaawac Christian Eriksen noqon mid soo afjara xilli ciyaareedkiisa.