Dab ka kacay kaniisad oo ay dad ku dhinteen

0
120

Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 41 qof, ayaa ku dhintay dab ka kacay kaniisad ku taalla magaalada Giza ee dalka Masar.

Dabkan ayaa xiray halka laga soo galo kaniisadda, isagoo sababay is buurasho, sida laga soo xigtay ilo xog ogaal ah.

Waxay wararku intaa ku darayaan in inta badan dadka ku dhintay ay carruur ahaayeen. Dhowr qof oo kale, ayaa ku dhintay dabkaas.

Waaxaha dab damiska, ayaa sheegay in dabka haatan la damiyay.

Lama oga weli waxa dhabta ah ee sababay dabkaas