Dab ka kacay keymo ku yaalla dalka faransiiska.

0
155

Baladweyne (Radio Beerlula)- Boqollaal dab demis oo ka socda ugu yaraan 7 waddan oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa ku biiraya dadaalka lagu xakamaynayo dab aad u wayn oo ka kacay kaymaha gobolka Gironde eek u yaalla koonfurta-galbeed ee Faransiiska.

Talyaaniga, Giriigga iyo Sweden ayaa diyaaradaha biyaha tuura u diray halkaas.
In ka badan 1,000 shaqaalaha dab demiska ah ayaa la dagaallamayay dabka oo lagu tilmaamay “bahal” oo si ba’an u saameeyay koonfurta-galbeed ee Faransiiska.

Ilaa hadda waxa uu burburiyay wax walba oo uu kula kulmay dhul baaxaddiisu la egtahay 7,400 hiktar oo keymo ah, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen.

Dhulka holcaya waxa uu qiyaastii 30km oo kaliya dhinaca koonfurta-bari ka jiraa magaalada Bordeaux. Ilaa 10,000 oo qof ayaa guryahooda uga cararay ilaa hadda.