Dab ka kacay warshad ku taalla Shiinaha oo dilay 38 qof

0
10

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dab ka kacay warshad ku taalla gobolka Henan ee Shiinaha ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 38 qof.

Dabkan ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux kuwaasoo hadda lagu daaweynayo isbitaal ku yaalla magaalada Anyang ee dalka shiinaha.

In ka badan 200 oo shaqaale ah iyo 60 ka mid ah kooxaha dab damiska ayaa gaaray goobta uu ka kacay dabka kuwaasoo ku howlan daminta dabkan ka kacay warshada.
Warbaahinta dowladda ayaa ku warramaysa in dad lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaas lagu qabtay magaalada Anyang.