Dab ka kacay xabsi ku yaalla Burundi

0
176

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maxaabiis badan ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen xabsi ku yaalla magaalada Kitega ee dalka Burundi.

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyay meydad loo maleynayo maxaabiista.
Mas’uuliyiinta Burundi ilaa hadda kama aysan hadlin dabka qabsaday xabsiga.
Weriye ka howlgala dalkaas ayaa kusoo warramayaa in qeybo badan oo kamid ah xabsiga uu dabka baabi’iyay.

Xabsigan oo loogu talagalay in uu qaado 400 oo maxaabiis ah, waxaa haatan lagu hayay 1,539 oo maxaabiis ah, sida laga soo xigtay ururka (ACAT-Burundi).

“Waxaa la arkayay shaqaalaha caafimaadka oo gaaray xabsiga uu dabka qabsaday si ay u caawiyaan dhibanayaasha” ayuu yiri weriyaha mar uu la hadlayay BBC Great Lakes.
Mid kamid ah maxaabiista kasoo badbaaday dabka ayaa BBC u sheegay in dabka uu ka kacay xabsiga abbaare 4-tii subaxnimo xilli maxaabiista ay jiifeen.
Lama ogo waxa sababay dabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here