Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dab qabsaday xarun ganacsi oo ku taal magaalada Kut ee dalka Ciraaq ayaa sababay dhimasho iyo dhaawaca toabanaan qof, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Dabka ka kacay xarunta ganacsiga oo la sheegay in la furay shan maalmood un ka hor, ayaa kacay habeenkii Arbacada, iyadoo tan iyo markaas lagu guuleystay in la xakameeyo.
“Tirada dadka ku waxyeeloobay dabka ayaa gaartay ilaa 50 qof,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Wasit, Mohammed al-Miyahi o la hadlay wakaaladda wararka Ciraaq ee INA.
Dadka ku waxyeeloobay dabkan ayaa u badan haween iyo caruur, ayuu intaa ku daray, isagoo sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono milkiilaha xaruntan laga dukaameysto.


