Dab xoog leh oo ka kacay kaymo ku yaalla Israa’iil

0
196

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dab xoog leh ayaa ka kacay kaymaha u dhow waddada isku xirta Quddus iyo Tel Aviv, kaasoo keenay in maamulayaasha Israa’iil ay dadka ka daadgureeyaan aaggaas, ayna xiraan waddo weyn.

Ra’iisul wasaare Netanyahu ayaa ka digay in dabka sii faafaya uu gaari karo magaalada Quddus.

Ciidanka milateriga ayaa halkaas loo diray si ay gacan uga gaystaan in dabka la bakhtiiyo, kaasoo sababay dhaawcyo dhowr qof soo gaaray.
Dhanka kale, Israaiil wxay kaalmo weydiisatay dhowr dal.

Wargayska Haaretz ayaa sheegay in dabku uu baabi’iyey dhul gaaraya 2,400 oo hectar.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in dalkiisu uu garab taagan yahay Israa’iil, ayadoo Paris ay diyaar u tahay inay qalab ku caawiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here