Dab xooggan oo ka kacay xarun muhaajiriin lagu hayo oo ku taalla Mexico

0
91

Baladweyne (Radio Beerlula)- Dab xooggan oo dhimahso sababay ayaa ku faafay xarun lagu hayo muhaajiirinta oo ku taalla magaalada Ciudad Juárez oo saaran xadka Mareykanka iyo Mexico.

Ilaa 70 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku jireen gudaha xaruntan oo uu gacanta ku hayo Machadka Socdaalka Qaranka, markii uu dabkan kakacay halkaas.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex qof ay ku dhinteen dabka.

Ma jirto weli xog rasmi ah oo oo dhacdadan laga soo saaray, balse wakaaladda wararka Efe ayaa sheegtay in weriyeyaasheedu ay arkeen bacaha meydadka oo safan bannaanka xaruntan.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dhismaha uu dabku ka kacay ay ku jireen muhaajiriin ay saraakisha dalkaas halkaasi geeyeen shalay.