Dacwad lagu soo oogay shirkadda Elon Musk ee SpaceX.

0
88

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka ayaa dacwad ku soo oogaysa Shirkadda SpaceX ee uu leeyahay Elon Musk, iyada oo lagu eedaynayo in shirkaddiisu ay diiday shaqaalaysiinta dadka qaxootiga ah iyo magan-gelyo doonka.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka ayaa sheegtay in intii u dhexeysay 2018 illaa 2022, inay shirkadda SpaceX, ay ku xad-gudubtay shuruucda socdaalka ee Maraykanka.

Dacwaddan laga gudbiyey ayaa lagu sheegay in Elon Musk iyo saraakiil kale oo ka tirsan shirkaddiisu inay si been abuur ah u sheegeen, in shirkaddoodu ay shaqaalaysiiso oo keliya, dadka haysta dhalashada Maraykanka ama kuwa haysta deganaanshaha rasmiga ah.

“Sharciga Maraykanku wuxuu dhigayaa in qofka laga shaqaalaysiinayo shirkadda SpaceX inuu haysto ugu yaraan deganaansho rasmi ah, maadaama ay shirkaddu ka shaqayso agab hub ah oo casri ah oo horumarsan” ayuu bartiisa X, ee hore loogu yaqaanay Twitter ku qoray Elon Musk, bishii June 16-keedii ee sannadkii 2020.