Dacwadihii loo heystay Michael Jackson oo dib loo furayo

0
88

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Labo nin oo sheegay in markii ay carruurta ahaayeen uu tacaddiyo jinsi kula kacay Michael Jackson ayaa haatan loo oggolaaday inay dib u bilaabaan dacwadda iyagoo beegsanaya shirkadihiisa, sida uu sheegay xaakim ku sugan maxkamad ku taalla Mareykanka.

Wade Robson iyo James Safechuck, oo labadoodaba haatna ku jira da’da 40-meeyada, ayaa sheegay in Jackson uu muddo sanado ah tacaddiyo kula kici jiray.

Haatan waxay dib u bilaabi karaan dacwaddii laga hor istaagay inay dacweeyaan shirkadaha heesaaga. Waxay sheegeen in shirkadahan ay mas’uul ka ahaayeen ilaalintooda.

Qareennada Jackson, oo dhintay sanadkii 2009, ayaa ku doodaya inuusan fannaanku dembi lahayn.

Mr Robson iyo Mr Safechuck ayaa sheegay in Jackson uu tacaddiyo kula kici jiray dabayaaqadii sanadihii 1980meeyadii iyo horraantii 1990meeyadii.