Dad 9 maalmood god ku dhex cunayay budada kafeega oo la soo badbaadiyay

0
134

Baladweyne (Radio Beerlula)- Labo macdan qodeyaal ah oo muddo 9 maalmood ah ku dhex go’doonsana god macdanta Zinc laga qoto ayaa lasoo badbaadiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed.

Raggan oo da’doodu lagu kala sheegay 62 iyo 56 sano jir ayaa la rumeysan yahay inay diirimaad ka heleen dab ay ku dhex shiteen godka isla markaana waxay godka dhexdiisa ka dhisteen teendho bac aheyd.

Mas’uuliyiinta waxay sheegeen in macdan qodayaasha ay ku badbaadeen kafee budo ah ay ku dhex cunayeen halkaas iyo sidoo kale waxay ku noolaayeen biyo kasoo daadanayay dibadda.

Waxay intaa ku dareen in raggan xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed ayaa tallaabadan raggan lagu soo badbaadiyay ku tilmaamay ‘arrin mucjiso ah.