Dad isugu soo baxay Munich oo gaari la jiirsiiyey

0
104

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 20 qof ayaa dhaawacmay kadib markii gaari uu ku jiiray dad isugu soo baxay magaalada Munich Khamiista shalay ah sida ay boolisku sheegeen, xilli magaalada koonfureed ee Jarmalka ay isu diyaarineyso shir ammaan oo heer sare ah oo ay ka qeyb galayaan Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy.

Wargeyska Bild ayaa sheegay in boolisku baarayaan in darawalka gaari nooca Mini Cooper ah uu si kas ah ugu jiiray dadka ama uu isku khalday sheelaraha iyo bareega.

Booliska ayaa barta X ku sheegay inay xireen darawalka ayna rumeysan yihiin inuusan khatar dambe ku ahayn dadka, hase yeeshee ka gaabsaday inay shil ku tilmaamaan arrintan.

Amniga Jarmalka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo toddobaadka soo socda la filayo doorashada federaalka, islamarkaana ay jireen weerarro rabshado wata oo taxane ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here