Baledweyne ( Radio Beerlula )-Malaayiin reer Siiriya ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaal kala duwan oo ku kala yaala magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi Jimcihii ugu horreeyay tan iyo markii la riday taliskii reer Asad ee dalkaasi xukumayay muddada ka badan nus qarniga.
Dad ka badan lixdan kun oo qof ayaa masaajidka taariikhiga ah ee Umuwiyiinta ee magaalada caasimadda ah ee Dimishiq ku oogay salaaddii Jimcaha. Dadka ku tukaday masaajidka waxa kamid ahaa ra’isul wasaarah kmg ah ee Suuriya Maxamed Al Bashiir iyo hoggaamiyayaal kale.
Boqollaal kun oo qof ayaa salaaddii Jimcaha kaddib isugu soo baxay fagaaraha taariikhiiga ah ee Umuwiyiinta ee bartamaha caasimadda Dimishiq.
Axmed Al Sharci oo hoggaaminayay kooxaha mucaaradka ee xukunka ka tuuray Bashar Al Asad ayaa ugu baaqay in dadweynuhu isugu soo baxaan guusha la gaaray, isagoo dibad baxyada kaddib u sheegay in loo diyaar garoobo sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.