Dad ku dhintay dab ka kacay Magaalada Dubai.

0
199

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhimatay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay dhismaha ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraatka Carabta.

 

Dabka ayaa ka kacay deegaanka Al-Ras, oo ka mid ah xaafadaha ugu qadiimsan magaalada Dubai. Waxay hoy u tahay shaqaale badan oo tahriib ku galay dalkaasi, iyo ganacsato.

 

Dabka ayaa ka kacay dabaqa afaraad ee dhismaha oo shan dabaq ah, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

 

Aagga Al-Ras, ayaa u dhow suuqyada dahabka iyo xawaashka ee magaalada, kuwaasoo ah meelaha loo dalxiis tago.

 

Hannaanka kahortagga masiibooyinka ee magaalada Dubai, ayaa u sheegay wargeyska The National ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta in uu socdo baaritaanka dabkan khasaaraha badan waxa dhaliyay.