Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ugu yaraan 18 qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Unity ee South Suudaan.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Radio Miraya, oo ah idaacad ay leedahay oo ay maamusho howlgalka Qaramada Midoobay ee dalkaas, diyaaradda ayaa burburtay ka dib markii ay ka duushay garoonka Unity Oil Field.
21 rakaab ah iyo shaqaalaha diyaaradda ayaa saarnaa.
Duuliyaha ayaa la xaqiijiyay inuu shilka ku dhintay halka saddexda ruux ee badbaaday la sheegay in xaaladooda ay aad u liidato.