Dad ku dhintay fatahaado ku dhuftay Suudaan.

0
277

Baladweyne(Radio Beerlula)- Ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku dhimatay  roobab mahiigaan ah oo ka da’ay gobolka Al Jaziirah ee dalka Suudaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda ee Suna.

Ku dhawaad Afar boqol oo ruux ayaa ka barakacay guryahooda kadib markii ay sameeyeen daadadka ka dhashay roobabka mahiigaanka ee ka da’ay  gobolka Al Jaziiraha.

Barasaabka gobolka Jaziirah, Janaraal Axmed Hanan Axmed Subeyr ayaa sheegay inay gargaar u fidinayaan dadka ka qaxay fataahadaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here