Baladweyne (Radio Beerlula)-Ugu yaraan 11 qof ayaa dhintay, ka dib markii uu daatay gaas ku keydsanaa waqooyiga Hindiya.
Haween iyo carruur, ayaa ka mid ah dadka ku dhintay magaalada dekedda leh ee Ludhiana ee gobolka Punjab.
Dhowr qof ayaa laga helay guryahooda iyagoo miyir daboolmay.
Goobta ayaa la xiray, waxaana laga daad gureeyay dadkii deganaa agagaarka uu shilku ka dhacay, ka gadaal markii dad badan ay sheegeen in neefsashada ay ku adkaatay.
Afar ruux, ayaa lagu daweynayaa isbitaalka Ilaa haddana ma cadda halka uu kasoo baxay ama kasoo daatay Gaaskani.
shilkan ayaa ka dhacay meel u dhow dukaan lagu iibiyo caanaha.
Saddex sano ka hor gaas ka soo daatay warshad kiimiko ah, ayaa ugu yaraan 12 qof ku dishay magaalada Visakhapatnam, ee gobolka Andhra Pradesh.
Sannadkii 1984-kii kiimiko ka daatay warshad sunta cayayaanka lagu dilo oo ku taal bartamaha magaalada Bhopal, ayaa waxa ku dhintay kumannaan qof, taasoo la aqoonsan yahay inay ahayd musiibadii ugu xumayd ee xagga warshadaha ah.