Dad kuleyl dartiis ugu dhintay dalka Pakistan.

0
53

Baladwayne ( Radio Beerlula )-Iyadoo heerkulku uu sare u kacay koonfurta dalka Pakistan, ayaa waxaa sidoo kale korortay tirada dhimashada.
Shirkadda gawaarida gurmadka degdeg ah ee Edhi ayaa sheegtay in ay caadi ahaan qaaddo 30 ilaa 40 mayd oo ay geyso goobaha meydka ee Karachi maalin kasta.
Laakiin lixdii maalmood ee la soo dhaafay, waxay ururisay 568 dad geeriyooda ah oo 141 ay dhinteen Talaadadii oo keliya.
Si kastaba ha ahaatee, sare u kaca tirada dhimashada ayaa ku soo beegmaysa iyadoo heer kulka magaalada Karachi uu kor u kacay 40 darajo.
isbitaalka dadweynaha ee Karachi waxaa kuleyl dartii loo dhigay 267 qof intii u dhaxaysay Axadii iyo Arbacadii shalay, sida uu sheegay Dr Imran Sarwar Sheekh, oo ah madaxa qaybta gurmadka.
Xaaladda ka taagan Pakistaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay dad badan kuleyl dartii ugu dhintay dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga iyo Hindiya.