Dad laga samray oo iyagoo nool 11 maalmood kadib laga soo saaray burburka Turkiga

0
170

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha samata bixinta ee Turkiga ayaa saddex nin ka soo saaray burburka hoostiisa, kadib 11 maalmood oo ay halkaa ku go’doonsanaayeen dhulgariirkii dalkaas ka dhacay awgii.

Hakan Yasinoglu ayaa 278 saacadood ku hoos jiray dhismo gebi ahaanba dumay, waxaana Jimcihii laga soo badbaadiyay gobolka Hayat oo ah meesha uu khasaaraha ugu badan ka dhashay.

Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Osman Halebiye iyo Mustafa Avci oo 34 jir ah ayaa laga soo badbaadiyay burburka ka dhacay gobolka Antakya.

Mustafa oo saacado uun ka hor dhulgariirka ay gabar u dhalatay ayaa loo qaaday cisbitaal ku yaalla magaalada Mersin ee dhacda Koonfurta Turkiga.

Ka hor inta aan la qaadin ayaa wicitaan muuqaal ah lagu tusay inantiisa yar.