Baladweyne (Radio Beerlula)-Boqolaal qof oo u dhashay dalka Congo oo magangelyo weydiistay Burundi ayaa waxaa qaaday biyaha webiga Ruzizi, iyagoo ka cararayay dagaallada u dhaxeeya M23 iyo ciidamada dowladda.
Jordan Bita oo ka mid ah muwaadiniinta Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo ka cararaya dagaallada si ay gabaad iyo nabad uga raadsadaan dalka deriska la ah ee Burundi ayaa sheegay
In lagu qasbay inuu dabaasho 300 oo mitir isaga oo goynaya webiga Ruzizi.
“Wax aan sameeyo ma hayo, waa inaan ka gudbo webigan si aan cunto ugu keeno qoyskeyga, markaan wabiga ku jiro, nafteyda ayaan u huraa, haddii aan ku guulaysto inaan si nabad ah uga gudbo, haddii aan dhibsado, waxaan u yeeraa asxaabtayda si ay ii caawiyaan, haddii xaaladdu ay ka sii darto, markaas waxay noqoneysaa maalintaydii,” ayuu yiri Sebakungu.
Kuwa ku guulaysta safarkaan, waxay aadaan xeryaha qaxootiga Burudin.