Dad loo xiray kab lagu dhuftay madaxweynaha Kenya

0
213

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Warbaahinta Kenya ayaa ku warramaysa in saddex qof la xiray kaddib markii kabo lagu tuuray madaxweyne William Ruto, xilli uu dad la hadlayay.

Muuqaalo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, ayaa lagu arkay Ruto oo ka hadlaya dusha sare ee gaari xilli uu socdaal ku marayay galbeedka Kenya markii kabaha lagu tuuray.

Qofka kabta tuuray ayaa ku dhuftay William Ruto, Inta badan taageerayaashiisa ayaa cambaareeyay dhacdada.

Bishi Diisembar sanadkii 2008-dii, saxaafi reer Masar ah ayaa kabihiisa ku tuuray madaxweynaha Mareykanka xiligaas, George W. Bush.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here